Xisbiga FRP oo laga yaabo in maanta isaga baxaan Xukuumada Erna Solberg.

Oslo,Xisbiga FRP oo ka mid ah afarta xisbi ee Hogaaminaya Dowlada Norwey ayaa laga yaabaa in maanta isaga baxaan Xukuumada.

Hogaamiyaha Xisbiga ayaa maanta kulan xasaasi ah la leh Ra,isul wasaare Erna Solberg kaas oo la filayo in Go,aano xasaasi ah ka soo bixi doonaan.

Warbaahinta gudaha Norwey ayaa aad u hadal haya kulankaan oo warbixin laga soo saari doono marka uu soo gaba gaboobo.

FRP oo ka soo horjeeeday keenista Hooyadi ka tirsaneed Daacish ayaa dhawaan ku hanjabay in gabi ahaanba isaga bixi doonaan Xukuumada Erna Solberg.

WIXII WARAR AH LA SOCO GOORDHAW