Taliye Yaasiin Farey oo si rasmi ah u qaatay aqoonsiga musharaxnimo.

Dhuusa-Mareeb:-Yaasiin fareey oo ah sii hayaha xilka Taliyaha Nabad sugida Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u qaatay shahaadada musharaxnimo.

Gudiga doorashooyinka ayaa si rasmi ah u gudoonsiyay in Yaasiin farey isku sharixi karo kursiga HOP67 oo maalmihii la soo dhaafay hadal heyntiisa socotay.

Qaadashada shahaadada ayaa cadeyn u noqon karta in gudiga doorashooyinka iyo madaxweyne qoor qoor door muuqda ka ciyaarayaan in la boobo qaar ka mid ah kuraasta beelaha isla markaana iyaga u soo doortaan cidii ay u arkaan in ay taageersan yihiin Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale in Yaasiin isu sharaxay xil kale ayaa ka hor imaanaya heshiiskii dowlada iyo madaxda maamul goboleedyada hore u gaareen ee ahaa in saraakiil ciidan ama shaqaale dowladeed xil kale isu sharixi karin iyaga oo iska casilin xilalkii hore u hayeen.

Mana jiraan is casilaad ilaa iyo hada uu gudbiyay taliye yaasiin farey oo lagu tiriyo ruux si aad ah u wataan Madaxweyne farmaajo iyo saaxiibkiis Fahad yaasiin.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com