Norway:Dadka u dhintay xanuunka COVID19 oo kun ruux dhaaftay.

Oslo:-In ka badan kun ruux ayaa loo diiwaan galiyay in ay u geeriyoodeen xanuunka CIVID19 tan iyo markii uu ka dilaacay gudaha wadanka Norway.

Wasaarada Caafimadka Norway ayaa diiwaangalisay dad gaaraya kun iyo laba ruux in xanuunka u geeriyoodeen.

Dhimashadii ugu horeysay ee xanuunkaan ayaa dhacday 12.Maarso sanadii hore tan iyo xiligaan waxa la xaqiijiyay in xanuunka in ka badan kun rux u dhinteen.

Wasiirada Caafimaadka dalka waxaa ay xustay in aad uga xun tahay dadkii eheladooda ku waayay xanuunkaan-

¨aad ayaa ugu damqaneynaa kuwii eheladooda ku waayay xanuunkaan safmarka ah,, ayay tiri wasiirad Ingvild Kjerkol  oo la hadashay wakaalada wararka NTB.

Dadka qaadaya xanunka ayaa isbuucyadii ugu dambeeyay sare u kacayay gobolada kala duwan ee wadanka Norway taasi oo wal wal hor leh abuurtay.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com