Gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo Maanta diiwaangeliyay 6 Xisbi

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan Xaliimo Ismaaciil ibraahim Xaliimo Yarey oo Hadal ka jeedisay munaasabad loo qabtay xisbiyad cusub ee la diiwaangeliyay ayaa sheegtay in guddigooda ay qusayn doorashada dadban ee lagu heshiiyay, ayna siiwadan doonaan shaqadooda Waxaana ay maanta diiwaagelisay ilaa lix Xisbi.

Xisbiyada la diiwaan geliyay ayaa kala ah:

  1. Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda.
    Xisbiga Qaransoor
    3. Xisbiga Cadaaladda iyo Dib U heshiisiinta
    4. Xisbiga Jamhuuriga Soomaliyeed
    5. Xisbiga Cagaaran ee Soomaaliyeed
    6. Xisbiga Nabadda iyo Midnimada.

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa diiwaangeliayay in ka badan 100 xisbi kuwaas oo aanay jirin mid xafiis ku leh gobolada Dalka Soomaaliya.

Guddiga doorshooyinka madaxa bannaan ayaa la sheegay  waajibaadkooda ku egyahay bartamaha sanadka soo socda 2021.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com