Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta la kulamy qaar ka Tirsan Safiirada Dalalka Caalamka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay safiirrada dalalka Sweden, Norway, Denmark, Finland iyo Iceland u jooga Soomaaliya isagoo kala hadlay arrimaha amniga doorashooyinka iyo dowlad wanaaga .

 

Kulankaan diiradda lagu saaray arrimaha amniga, doorashooyinka, horumarinta Dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, cadaaladda iyo nabad dhisidda Soomaaliya waxaana ku wehlinayay sii hayaha Ra’isul wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) iyo masuuliyiin kale.

 

Kulanka ayaa ku soo aaday ka dib markii Ra,iisal wasaraha uu dib uga soo laabtay safarkii dhawaan uu ku tagay Dalka Kuwait Halkaas oo uu kaga soo qayb galay Tacsida Amiirka Dalkaas sheikh Sabaax Axmed Alsabaax oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Maraykanka laguna Aasay Dalka Kuwait

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com