Axmed Madoobe oo sharuud hordhigay Dawlada Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Habka Fogaan araga uga qeyb galay shirka iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa sheegay in jubaland aysan doorasho ku qabanayn gobol aysan ka talin.
Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa Tibaaxay in Dowlada Federaalka ah looga baahan yahay in ay arintaas si dhab ah u qaadato isla markaana ay ciidamada iyo maamulka ay Gedo gaysay kasoo saarto, kuna wareejiso Jubaland.
Axmed Madoobeb ayaa sheegay in doorashada gobolada waqooyi ay muhiim tahay in laga tashado dadka tabashooyinka qaba, gaar ahaan Guddoomiyaha Aqalka Sare.
Wuxuu sheegay madaxweynaha Jubaland in doorashada oo lagu shubto ama la boobo ay keenayso dhibaato aan kasoo kabasho lahayn.
Ugu dambeyntii Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Xukuumada Federaalka Soomaaliya in ay ka shaqeeyso sidii khilaafyada jira xal loogu heli lahaa dalkana ay uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com