Dawlada Federaalka Soomaliya oo Agabka lagula socdo Isbedelada Cimilada Geysay Magaalada Kismayo

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Kismaayo geeyay agab lagula socdo cimilada iyo tilmaamayaasheeda.

Sii haayaha Wasiirka Gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka  Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in agabkan uu muhiim u yahay dowlad gobaleedyada si hay’addaha ay awood ugu helaan in ay sii ogaadaan halisyada ku soo fool leh.

Wasiirka ayaa sidoo lake  sheegay in iyada oo laga jawaabayo baahiyaha hadda taagan ay hadana muhiim tahay in laga fakero sidii loo xoojin lahaa dhismaha hey’addaha si ay  u yaraato saameynta ay musiibooyinka mustaqbalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com