Xog:Madaxweynihii hore Koofur galbeed Shariif Xasan sheekh Aadan oo loo yaqaano shariif Sakiin oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ahaana  Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ah dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Qaban qaabada soo dhaweynta Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka socoto magaalada Muqdisho, sida warbaahinta Aragticusub ay u sheegeen xubno ka Tirsan gudiga soo dhaweeynta

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dalka isaga baxay Sanadkii 2018 kadib markii uu iska casilay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana markaas saarnaa cadaadis xoog leh oo ay u geesteen mas’uuliyinta dowladda Soomaaliya.

Mudada ku dhaw saddexda sano ee Shariif Xasan Sheekh Aadan dalka ka maqnaa waxa uu ku sugnaa Nairobi iyo meelo kale oo ay qeyb ka tahay dalka Turkiga waxa uuna ahaa siyaasi aan warbaahinta ka soo muuqaan xiligaan

Shariif Xasan, ayaa ka tirsan hogaamiyaasha Xisbiyada dalka waxa uuna saaxiib dhaw la yahay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com