Hogaamiyaha Xisbiga UPD ahna Madaxweyhihii hore Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ka hadlay kulankii uu la qaatay Taliyaha Hay,adda NISA

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Hogaamiyaha Xisbiga UPD  ayaa  markii ugu horreysay ka hadlay kulankii  magaalada Muqdisho ku dhexmaray isaga iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida NISA Fahad Yaasiin.

Xasan Sheekh ayaa kulankaasi ku sheegay mid ka marnaa arrimaha siyaasadda, wuxuuna ku macneeyay mid ‘booqasho ahaa’ oo aan laheyn ajende siyaasada, maadama kulankaasi lala xiriirinayay magacaabista  ra’iisal wasaaraha cusub iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Kulankii aniga iyo Fahad yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed”.

“Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah”.

“Maadaam aan oday Soomaaliyeed ahay qof kasta oo soo gasho gurigeyga waa la xusmeynaa mar kasta.” Ayuu yidhi Xasan sheikh Maxamuud ayuu yiri Mudane Xasan sheikh Maxamuud.

Warbaahinta qaar ayaa tabisay in kulankii uu la xiriiray wadatashiyo ku saabsan soo Magacaabista Ra,iisal wasaaraha Cusub balse Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa hadalkaasi ganafka ku dhuftay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com