PSF oo shaacisay in uu burburay heshiiskii xabad joojinta dagaalka Boosaaso.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Ciidamada Difaaca Puntland ee PSF ayaa waxaa lagu sheegay in bulsha weynta guud ee Puntland iyo Soomaali-weynba ay la garowsan yihiin gardaradda iyo masuuliyad darida haysata Maamulka Puntland, oo aanan la helayn cid si masuuliyad leh oo lagula xisaabtami karo arrimaha khuseeya masiirka dalka, masuuliyadda shacabka oo ay taladu ka go’i karto.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dbinaca kale ee kasoo horjeeda ee Madaxweynaha Puntland  ay burburiyeen balantii iyo cahdigii ugu danbeeyey ee shalay ee xabad joojinta ay
la galeen isimadii, culumadii iyo waxgaradkii kale.

 

” Wasiiradii ay dowladdu usoo xilsaartay arrintaan waxay sii hurinayaan colaadda iyo barakicinta shacabka, waxaa sii socda dhiig-baxa shacabka iyo Ciidanka Puntiand. Waxaan oga digaynaa dhallinyaradda Ciidamadda kala duwan ka tirsan ee lasoo marin habaabinayo inaysan naftooda u biimeyn shaqsi aanan garanayn culeyska ay leedahay masuuliyadda. PSF waxay ku sugantahay xarunteedii, weyna is-difaacaysaa, waxayna ku kalsoontahay shacabka ayaa lagu soo geba-gabeeyay qoraalka PSF.

Warkaan kasoo baxay PSF ayaa daba socda qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland, kaas oo lagu sheegay in Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF uu Colaad ka hurinaayo Boosaaso, balse ay waqti siinayaan waan waanta socota.