Dhageysiga dacwad loo heysto Eedeysanayaasha dilka Kiiskii Hodan shanleyste oo maanta ka Furmaysa Magaalada Garoowe

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal ee maamulka puntland  ayaa maanta  dhegaysanaysa, dacwadda loo haysto  7 nin oo ku eedaysan Kiiska ahaa ee Marxuumad Hodan Axmed Maxamed Shanlayste.

Hodan Shanlayse, waxay ahayd haweeney  xaas ah oo 11-kii April 2019 la sheegay in kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

15-kii February 2020, ayay Maxkamaddu markii u horraysay dhegaysatay Dacwadda loo haysto Ragga ku eedaysan Kiiska, balse saddex jeer oo dambe ayaa dib loo dhigay Dacwada Raggaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com