Wariye lagu xiray Magaalada B/weyne

Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ee Xaruunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wariye Cabdi shakuur Maxamed oo ka Tirsan wariyaasha Madaxa Banaan ee ka Hawlgala gobolka Hiiraan xabsiga loo Taxaabay

Wariye Cabdi shakuur Maxamed ayaa la soo qabtay isga oo ku guda jira Hawl maalmeedkiisa shaqada lana soo xiray isaga oo  duubaya dibad bax lagu Taageerayo dawlada federaalka .

Taliska Ciidanka Booliska magaalada Baladweyne weli ma aysan ka hadlin Xariga wariyaha

Ciidamo ka Tirsan Booliska Gobolka Hiiraan ayaa soo qabtay wariyaha xabsigana dhigay

Tallaabadaan ayaa ku soo aadaysa ka dib markii madaxweynaha Hir shabeele uu Amar ku bixiyay in la joojiyo dibad baxyada lagu taageerayo dawlada Federaalka Soomaaliya.