Wasiirka Arimaha Gudaha Koofur galbeed oo Magacaabay gudoomiyaha Degmada Waajid

Wasiirka  Arrimaha Gudaha maamul  Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi, ayaa maamul u cusub u magacaabey Degmada Waajid ee Gobolka Bokool.

Guddoomiyaha Degmada Waajid loo magacaabay Maxamed Yuusuf Cali halka Guddoomiye kuxigeenka koobaad loo magacaabey Mukhtaar Axmed Xasan sida ku cad Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfyr Galbeed.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa isna loo Magacaabay Aaden Xassan Axmed Aaden Guud halka Xoghayaha Degmada loo magacaabay Cali Guurow Maxamed.

Xubnaha cusub ayaa sida Dikreetada ku qoran la faray in ay ka soo baxaan waajimaadka iyo Mas’uuliyadda loo dhiibay

Hoos ka Akhri Wareegtada laguMagacaabayMaamulkaCusub