Dhageyso :Puntland oo shaqo Joojin ku sameeysay saraakiil Ciidan

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen Cabdi Yare ayaa shaqo joojin ku sameeyey Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed Dhalac iyo Taliyaha saldhiga bartamaha Qardho Cumar Hiirad Kaatun,  oo lagu eedeeyey xadgudub

Taliye Cabdi Yare oo xalay warhaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa sheegay in Booliska Puntland uu qaaday tallaabo ah in baaritaan lagu sameeeyey kiis 8 bishan ka dhacay Qardho iyo shaqo joojin lagu sameeyey labadii sarkaal ee ku lugta  lahaa dhacdadaas.

Taliyaha oo cudur-daar ka bixiyey falkaas ayaa tilmaamay in uu ku dhacay aqoon xumo iyo sharci darro, wuxuuna sheegay uusan ahayn wax ku fiican sumcadda iyo magaca Booliska.