Wasiir Maareeye oo shaaca ka qaaday in Warbaahinta Dawlada loo bedelay Warbaahin Dadweyne

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xeyr Maareeye oo maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray ‘Adeega Warbaahinta Dadweynaha’, oo meesha ka saari doonto qaabkii hore ee ay warbaahinta dowladdu u shaqeyn jirtay, ayaa sheegay in hada kadib baahin doonto wararka kala duwan ee mucaaridka, muxaafidka ah iyo weliba arrimaha kala duwan ee dadweynaha.

Waxaa uu sheegay in arrintaasi ay saameyn doonto warbaahinada gaarka ah ee maamulada dalka oo iyagana looga baahan yahay inay ku dhaqmaan siyaasad cusub ee loo dejiyay warbaahinta dowladda.

“Warbaahinta qaranku waxay noqon doonta warbaahin dadweyne, oo marka u horeysa u adeegta dadweynaha, taasi oo gudbin doonta fikirada kala duwan ee dadweynaha,” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Warbaahinada dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ayaa hore u ahaa kuwo baahiya aragtida madaxda u sareysa, iyada oo gebi ahaanba ay kasoo muuqan jirin fikirada mucaaridka,

Warbaahinta Qaranka uu sheegay Wasiir maareeye in ay noqonayso mid u shaqeyn doonta sida warbaahinta madaxa banaan

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com