Madaxweyne Axmed Madoobe oo sharuud Adag ku xiray Xildhibanada Federaalka ee lagu soo dooranayo Degmada Garbahaareey

Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo  maanta furay Kal-Fadhiga Sadexaad baarlamaanka Jubland oo sharuudo Adag ku xiray xildhibaanada lagu soo xulayo gobolka Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland gaar ahaan sababta uu xukuumad usoo dhisi waayey iyadoo mudo hal sano ah laga joogo markii la doortay.

Wuxuu sheegay sababta xukuumad la’aanta keentay inay tahay in uu raadinayo midnimada iyo wadajirka Jubbaland, balse uu hadda soo dhisi doono xukuumad ka dhabaysa himilooyinka Shacabka iyo filashada ay ka qaban Maamulkiisa.

Waxa uu  intaas ku daray inuu raadinayo sidii xal looga gaari lahaa dhibaatada ka taagan gobolka Gedo, isagoo dowlada federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay xageeda wax walba ka socon la yihiin.

Axmed madoobe ayaa sheegay in arimaha doorashooyinka heer federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo wadad  u xaaraya sidii uu dalka loogu jihayan lahaa doorashooyinka 2020/2021.

Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay inaaan la qaban doonin doorashada xildhibaanada federaalka ee degmada Garbohaareey ilaa iyo inta ciidamada dowlada dhexe laga saarayo gobolka Gedo, maamulkeedana lagu wareejinayo Jubbaland .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com