Dhageyso: Wasiir ka Tirsan Maamulka Hirshabeele oo Is Casilay

Wasiir ku xigeenkii  Amniga Maamulka Hir-Shabelele Geelle Isaaq Warsame ahna Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Hir shabeele ayaa sheegay inuu iska Casilay xilkii Wasiir ku xigeenka Amniga uu ka haayay maamulka Hirshabelle.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada B/Weyne ayaa  sheegay in  xilkaas iska casilay ka dib markii loo diiday in la qabto banaanbax lagu taageerayo dowlada federalka.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in xabsiga la dhigey guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo weriye doonayay inuu duubo banaanbax lagu taagerayay dowlada federalka.

Maamulka Hirshabeele ayaa u Muuqda Xilligaan mid qilaaf uu kala dhexeyo dawlada Federaalka Soomaaliya