Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Dharkiinleey

Iska Hor,imaadkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa DDwaxaa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo Koox Burcad Islamarkaanakana ku dagaalamay degmada Dhareenleey ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka oo ka dhacay Xaafada Xoosh ee Degmnada Dharkiinleey ayaa bilowday , kaidb markii Ciidamada Booliska oo Howlgallo ka waday Halkaas ay la kulmeen Koox Burcad ah oo dhac u geysanayay dad saarnaa gaari nooca raaxadaha ah,waxaana halkaasi ka dhacay israsaaseyn geystay khasaaro oo u dhexeysaysay kooxihii burcada ahaa iyo Ciidanka Booliska.

Ilo Wareedyo ayaa Warbaahinta Aragticusub u xaqiijiyay in Iska Hor,imaadka uu Ciidanka Booliska iyo Kooxihii burcada waxyeelo ka soo gaaray ee isugu jira dhimasho iyo dhaawac  Dad Rayid ahna ay wax yeelo ka soo gaartay kuwaas oo ka agdhawaa goobta uu dagaalka ka dhacay.

Gudoomiyaha Degmada Dharkiinleey Guhaad Sheekh Xasan ayaa ku dhawaaqay Hawlgalo Amniga lagu xaqiinayo oo lagu baacsanayo kooxaha Burcada ah ee dhaca ka geysta degmadaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com