Booliska Gobolka Banaadir oo baaraya dhacdadii Turkish Airlines

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay inay baarayaan dhacdadii shalay ka dhacday diyaaradda Turkish Airlines, xilli ay ka deganeysay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shan nin oo ka mid ah rakaabkii diyaaradda la socday ayaa la sheegay in gacanqaad uu dhex maray iyaga iyo shaqaalihii diyaaradaasi.

Afhayeenka oo maanta Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in raggaasi ay dhaawac u gaysteen mid ka mida shaqaalaha diyaaradaasi.

“Abaaro 10:15am oo ah xilliga ay soo caga-dhigato diyaaradda Turkish Airlines, rakaabkii ay siday diyaaradda Turkish Airlines, rag ka mida oo Soomaali ah waxa uu is afgaran-waa dhex maray shaqaalihii diyaaradda rag ka tirsan. Dagaalkii dhex maray awgiis waxaa loo yeeray Ciidanka Booliska ee garoonka, waxaana dhacday dadkii rakaabka ahaa qaar ka tirsan iyo shaqaalihii in is gacanqaad ku sameeyeen gudaha diyaaradda. Shaqaalihii mid ka mid ah oo sheeganayay dhibaato ayaana loo soo qaaday isbitaalada Magaalada Muqdisho, rifeetana la siiyay, sida waafaqsan shuruucda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska.

Afhayeenka ayaa yiri “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qaybtiisa Garoonka Aadan Cadde iyo Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo is kaashanaya ayaa nimankii eedeysanayaasha ahaa iyo dhibanihiiba la soo wareegay, waxaana la geeyay xarun caafimaad, waa caafimaad qabaa, wuuna fiican yahay ninkaasi.”

Cabdifitaax Aadan ayaa xusay in ragga eedeysanayaasha ay haatan ku xiran yihiin Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID, ayna baarayaan waxa dhaliyay gacanqaadkaasi.

“Inkastoo baarista kiiskan ay saldhig u noqon doonto caddeymaha laga helo isbitaalka, muwaadiniinta Soomaaliyeed ee eedeysanayaasha ahaana waxay ku xiran yihiin Hoggaanka Baarista Dembiyada, cid alaala iyo ciddii xadgudub sameysana xaq loogu leeyahay in laga qabto muwaadin kasta, meel kasta ha jooggo, diin kasta ha aaaminsanaado, nooc kastana ha ahaado.” Ayuu yiri Cabdifitaax Aadan.

Waxa uu intaasi ku daray “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa waajib ka saaran yahay xalinta khilaafaadka bulshada, tii ayaana socota, waxaana wadnaa baaris, wixii ka soo kordhana dib ayaan idinka soo sheegi doonnaa.”

Dhacdadan ayaa noqonayso tii ugu horeysay ee ka dhex dhacdo Turkish Airlines, muddadii ay dalka ka hawlgaleysay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com