Ra’iisal Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida Cali Cosoble

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Cali Cabdullaahi Siyaad, oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo mara

Cali Cosoble Siyaad waa aabaha dhalay Madaxweynihii 1aad ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, waxaana uu maanta ku geeriyooday dalka Emirate-ka Carabta, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu ku noollaa.

“Eebbe ha u naxariisto Wasiir hore, Cabdullaahi Cosoble Siyaad oo maanta geeriyooday.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa yiri “Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo marxuumka, ehelkiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com