kulan aan natiijo layahn oo xalay ka dhacay Duusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb, waxaa Xalay ka dhacay kulan Saacado badan qaatay ,oo halkaasi ku dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Kulanka waxaa uu qayb ka ahaa Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uga socda Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlayo Marxaladda kala guurka ah ee Dalku marayo gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota.

Kulankii Xalay, waxaa si adag looga dooday Hannaanka loo gelayo Doorashada soo socota, kaas oo laba mowqif oo kala fog laga taaganyahay, waxaase Kulankaasi ku soo dhammaaday Natiijo la’aan islamarkaana wax isu soo dhowaansho ah kama dhicin.

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi farmaajo Farmaajo, ayaa ku adkaysanaya in la qabto Doorasho qof iyo cod ah oo ku salaysan Sharciga uu ansixiyay Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, halka Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku doodayaan in wakhtigan dalka aysan ka dhici Karin Doorasho qof iyo cod ah, sidaas darteedna la aado Doorasho dadban.

Dhinaca kale Magaalada dhuusamareeb ayaa maanta lagu wadaa in uu ku Furmo shirka Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad goboleedyada

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com