Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele oo maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Baladweyne

Madaxweyne kuxigeenka Dawlad Gobolleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo wafdi Mas’uuliyiin kamid ah labada gole ee Hirshabelle ayaa gaaray Magaalada B/weyne.

Soo dhaweyn ballaaran ayaa loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif waxaana kuso Dhaweyeey halkaasi Mas’uuliyin katirsan maamulka Gobalka hiiraan iyo Qeybaha kala Duuwan ee Bulshada magaalada.

Madaxweyne kuxigeenka Yuusuf Daba geed ayaa Salaan Sharaf ka Qaatay Cutubyo ka Tirsan Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

Yuusuf Dabageed ayaa socdaalka Maanta uu ku gaaray M<agaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka qayb ka ah dardargelinta  ololaha doorashada golaha shacabka ee dhawaan lagu qaban doono magaalada Baladweyne.

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com