Ra’iisul Wasaare Rooble oo Magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiskiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u magacaabay  Dr. Maxamed Ibraahim Nuur in uu noqdo xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Roooble ayaa kula dardaarmay xoghayaha cusub ee joogtada xafiiska Ra’iisalwasaaraha Mr. Nuur inuu dardar geliyo shaqada loo idmaday ee Xafiiska.

Magacaabista xoghayaha joogtada ah ee xafiiska raisal wasaaraha ayaa imaaneysa xilli uu dhamaad yahay waqiga dawlada federaalka Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com