Madaxweynihii hore Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha maamulka puntland iyo kan Shacabka  ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Madaxweynaha ountland ayaa sheegay in Marxuumka  uu ka mid ahaa Aasaasayaashii ka soo shaqeeyay dhismaha  Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland.

Madaxweynahaa Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Geerida Marxuumka uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayay marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa.