Madaxda Dawlad goboleedyada oo xalay kulan ku yeeshay Dhuusamareeb

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa xalay  kulan gaar ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb kulankaas ayaa daba socda shirkii shalay ka furmay Dhuusamabrreb ee loogu magacdaray shirka wadatashiga ee Galmudug ay marti gelisay  islamarkaana looga hadlayo xaalada dalka iyo Weliba sida looga Arinsanayo  doorashada.

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay oo si gaar ah ay u yeeshaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Jubbaland,  Koonfur Galbeed,  Puntland , Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa diirada lagu saaray sidii wadatashi looga yeelan lahaa Xaalada dalka gaar ahaan Arimaha Siyaasada iyo wakhtiga kala guurka ah.

Hase ahaatee Hogaamiyaasha Mamul goboleedyada dalka ayaa u muuqda kuwo ku qanacsan sida ay wax uga socdaan  magaalada Dhuusamareeb