Dhageyso: Waxgarad cambaareeyay dagaalkii ka dhacay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Odyaal iyo waxgarad ku sugan Magaalada Gaalkacyo  ayaa cambaareeyay Dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo oo sida ay sheegeen lagu beegsaday beel degta waqooyiga Gaalkacyo

Odayaash iyo Waxgaradka waxa ay  sheegeen dagaalka ka dhacay xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo  uu ahaa mid lagu beegsaday dadshacab ah  ah oo halkaas degganaa kuwaas oo sida ay tilmaameen loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana khasaare naf iyo maal la gaarsiiyay.

Waxgaradka Sidoo kale waxay ay beeniyeen in Dad Khamriga ka ganacsada ay ku sugnaayeen  Xaafadda lagu dagaalamay iyagoo xusay in dadka iska hor-imaadkii ku dhintay ay ahaayeen Culimo iyo Aqoon-yahanno Xaafadda ku noolaa.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa sidoo kale maamulka  Puntland ugu baaqay Puntland  in ay Raalli-gelinka bixiyaan  wixii ka dhacay Xaafada Garsoor Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo si loo dejiyo Dadkii xaalada Dadkii Eheladooda dhibku gaaray loona xaqiijiyo Nabadda