Dhageyso: Wasiir hore Daahir Xasan Xuseen oo soo dhaweeyay shirka maanta ka furmay Dhuusamareeb

Wasiirkii hore Hawlaha guud iyo Guryeynta Galmudug Daahir Xasan Xuseen ayaa soo dhaweeyay shirka ka Furmay magaalada Dhuusamareeb ee xaruunta Galmudug ee U dhexeya Madaxda dawlad goboleedyada Dalka

Mudane Daahir Xasan Xuseen Daahir ayaa bogaadiyay qabsoomida shirka wadatashiga ee maanta ka furmay Magaalada Dhuusamareeb  Waxana uu ku Amaanay Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta kale ee Maamulka Galmudug dadaalka ay ku bixiyeen qabsoomida shirkaasi

Shirka maanta ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa qudbad ka jeediyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoor Qoor oo furay shirka iyo madaxda kale maamulka goboleedyada ee lagu casuumay shirkaasi