Ciidamada Puntland Oo Hawlgalo ka sameeyay Waqooyiga Gaalkacyo oo uu Qarax ka dhacay

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya qaraxa maanta ka dhacay waqooyiga magaaladaasi
Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka garoonka Cabdullahi Yuusuf oo ku yaalla Gaalkacyo
Hal qof oo ahaa darawal gaari nooca iska roge ah ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo uu ku dhaawacmay qof kale oo rayid ah, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Puntland oo howl-gallo ka sameeyey halkasi.
Xaaladda ayaa hadda degan, balse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com