Axmed Macalin Fiqi “waxaana rabaa inaan la wadaago inta aan ogeyn inaanan u tartamayn kursiga HOP#038”

Wasiirkii hore ee Amniga Dowlad Gobaleed Galmudug, kana tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka 10aad Axmad Macalin Fiqi ayaa sheegay in uu sanadkaan u tartami doonin doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#038 kaas uu ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka Wasiir Axmad Macalin Fiqi ayaa ku yiri “Marka koowaad waxaaan u mahadcelinayaa asxaabtayda iyo qaraabadaba, waxaana rabaa inaan la wadaago inta aan ogeyn inaanan u tartamayn kursigaas saandkaan arrimo ii gaar ah awgood iyo anigoo naftayda u Quuri waayey in aan hoos-fariisyo geed dullinomo kursi-doon awgii iyo dhanka kale  siyaasaddu in aysan ahayn oo kaliya barlamaanka oo xubin laga noqdo.”

“Waxaan kursigaas ku matalayey barlamaankii 10-aad dad iyo deegaankii ii soo igmaday iyo qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna kursigaasi ahaa mid tilmaaman, lagu matalayey aqoon, aragti siyaasadeed oo xor ah iyo dulqaad, waxaana ka mid ahaa xildhibaanadii fara ku tiriska ahaa ee kaligitaliska tooshka ku ifiyay inta uusan ficilooyinkiisii gurracnaa la soo bixin. Wuxuu ahaa kursi lagu ilaaliyo Soomaalinimada, qaddiyadaha umadda Soomaaliyeed u taagan yihiin iyo mid lagu saxo taliska Villa Somalia.” Ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebooka.

Axmed macalin Fiqi ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii ka soo horjeesatay Muddo kororsiga Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sameystay.