Wararkii ugu dambeeyay Shirar gaar gaar ah oo ka socda Beledweyne

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka hiiraan gaar ahaan Xarunta Maamulka ee lamagalaay waxaa ka socda shirar gaar gaar ah oo u dhaxeeya madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe, kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) & qaar kamid ah Musharrixiinta Kuraasta Golaha Shacabka.

Kulamada ayaa intooda badan waxaa looga hadlayaa qabashada 11 Kursi ee ka harsan kuraasta taalla Magaalada Beledweyne, kuwaas oo ay isku khilaafeen madaxweynaha & kuxigeenkiisa habka doorashadooda loo maamulayo.

Warar goor hore ee Maanta ah soo baxayay ayaa sheegayay in Madaxweynaha hir-Shabeelle Cali guudlaawe uu dib ugu soo laabanayo magaalada Jowhar, hayeeshee uu ka baaqday kadib markii Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle & Xubno kamid ah musharrixiinta ay ogolaadeen in kuraasta Golaha Shacabka tartan furan laga dhigo.

Xarunta lamagalaay waxaa weli ka socda shirar gaar gaar ah oo looga hadlayo sidii doorashada kuraasta Golaha Shacabka ay si nabdoon uga dhici laheyd  Magalada Beledweyne, iyada oo shalay Magalada Beledweyne uu ka dhacay dagaal salka ku haayay Arrimaha doorashada.

Musharrixiinta qaar ee golaha Shacabka ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) in uu doonayo in kuraasta qaar dad gaar ah loo xiro balse taasi uu diiday Madaxweyne Cali guudlaawe Xuseen taas oo khilaafka madaxda ugu sareeysa Hir-Shabeelle dhalisay.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com

.