Ciidanka Amniga Gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay Nin gacan ku dhiigle ah

Ciidanka Booliska Puntland ee ka howlgalla Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin lagu Magacaabo Mowliid Maxamuud Nuur oo ku magac dheer ina Caano boore kadib markii lagu Eedeeyay inuu gacantiisa ku dillay labo qof oo Shacab ahaa.

War kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in Mowliid Maxamuud Nuur uu dilay Marxuumiinta lagu kala Magacaabi jiray Axmed Raawe iyo Maxamud Siciid Muuse, kadibna uu baxsaday.

Sidoo kale Boolisku waxaa ay sheegeen in Mowliid Caano Boore uu in muddo ah ka mid ahaa dadka lagu raadjoogay, isaga oo ka maqan gacanta laamaha Amniga xukun ku riday maxkamda darajada koowaad ee Gobolka Mudug kadib markii lagu Eedeeyay inuu ka mid yahay dadka ka ganacsan jiray maandooriyaha Khamriga.

Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Pungland kana howlgalla Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii la soo dhaafay waday howlgallo ka dhan ah Kooxaha ka Ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya, iyaga oo dhowr jeer kula dagaalamay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug