Duqayn lagu dilay Xubno ka Tirsan Alshabaab

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka uu leeyahay islamarkaana aan duuliyaha lahayn  ayaa waxaa la sheegay  duqeyn ka geysteen degaan katirsan Gobolka Galgaduud maamulka Galmudug uu ka taliyo .

Dawlada Federaalka ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saaxiibadooda Caalamka ay duqeeyn cirka ah ku burburiyaan Saldhigii Al-Shabaab ay ku lahayeen Tuulada Hareeri-gubadle oo qiyaastii 20 Km dhinaca bari kaga beegan Degaanka Wabxo ee Gobolka Galguduud.

Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa sheegtay in lagu dilay in ka badan 200 oo Xubnood iyo Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab inkastoo aysan jirin War  madax banaan oo xaqiijinaya duqaynta iyo khasaaraha ka dhashay .

Duqaynta ayaa wararku ay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka maraynka ka fuliyeen gobolka Galgaduud xalay Fiidkii ama salaadii maqrib ka dib

Ciidanka Dawlada Federaalka soomaaliya oo kaashanaya  saaxiibada caalamka ayaa wada Hawgalo ay ka sameeynayaan degaano ka Tirsan gobolada Dalka