Puntland oo xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay oo Coronavirus ah

horeeyay oo Coronavirus ah, kaasoo laga helay muwaadin aan wax safar ahi gelin, in muddo ahba.

Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani), Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in muwaadinka laga helay xanuunka COVID-19 uu ka mid yahay labadii qof ee dhawaan tijaabada caafimaad lagu sameeyay.

“Guddigu wuxuu xaqiijinayaa in kiiskii ugu horeeyay oo Covid-19 ah laga helay gudaha Puntland. Muwaadinka ayaa ka mid ah labadii qof ee baaritaanka dhawaan laga qaaday, qofka kale ayaa isaga lagu waayay.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri “Muwaadinka laga helay Covid-19 ayaan indhoweyd wax safar ah sameyn, taasi oo muujinaysa in dad kale u keeneen.”

Waxa kaloo uu intaa ku daray “Guddigu wuxuu bulshada la wadaagaya in 5 qof oo cusub la karantiilay maanta, oo ay taariikhdu tahay (19 April 2020), dadkaasi oo baaritaan laga qaadi doono.”

Jaamac Dabaraani ayaa warkan ku sheegay qoraal uu goor dhow ku daabacay barta uu ku leeyahay shabakadda bulshada ku wada xiriiraan ee Facebook.