Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre oo sheegay in Doorashada Hirshabeele la Afduubay

Wasiirkii hore ee Wasaarradda Waxbarashada ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaaca ka qaaday in marnaba shacabka gobolka Hiiraan ku qanci doonin sida uu hadalka u dhiggay maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaan abdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Dhismaha maamulka Hirshabeelle in marwalba ku soo aadayo xiligga doorashada iyadoo ujeedada laga leeyahay ku tilmaamay oo kaliya in xildhibaannada lagu boobo.

Mudane Goodax ayaa taageero u muujiyay kacdoonka madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle loogu diiday in uu taggo Beledweyne, waxaana uu sheegay in dowladda dhexe ay boobtay doorashada Hirshabeelle.

Mar uu soo hadal qaaday sababta uu arintan uga hadal Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayuu sheegay Cabdullaahi Goodax in laga yaabo Ugaasku in uu raali ka yahay sida ay wax dhacayaan.

Cabdulaahi Goodax Barre ayaa Hadalkaan  sheegay ka dib waraysi uu siiyay Laanta Afka Soomaalida VOA

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com