Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo Amray Wasiiro hore iyo Xildhibaano in ay soo celiyaan Gaadiid

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray qoraal looga dalbanayo gaadiid ka maqan hey’addaha dowladda oo ay horay u qaateen Wasiiro xilal hayay iyo xubno kale oo ay ku jiraan xildhibaano.

“Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, isagoo gudanaya waajibaadka shaqo ee ilaalinta Hantida Qaranka ayuu xafiisku tirakoob iyo xaqiijin wajigii labaad ah ku sameeyey hey’adaha dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayey soo celinta gaadiidka dowladda,”

“Xafiisku waxa uu ogaaday in gaadiid ku jira gacanta mas’uuliyiinta ay magacyadoodu hoos ku qoranyihiin uu yahay hanta dowladeed oo loo baahanyahay.”

Liiska la soo saaray ee Wasiirada gaadiidka la  maqan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Senatar Ayuub Ismaaciil oo gaari ka diiwaan gashan Wasaaradda Maaliyadda ku maqan iyo xubno kale.

Hantidhowrka ayaa u qabtay mas’uuliyiintan in muddo toban cisho gudahood ah ay ku soo celiyaan gaadiidka gacantooda ku jira.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com