Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Deni oo kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Puntland  ayaa maanta kulan Irdaha u xiran yeeshay  Magaalada Garowe, kulankaas oo ay uga wadahad leen qaabka loo maamulayo doorashada dadban ee ay ku heshiiyeen madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Shirka waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Deni ku wehelinaya madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash iyo Wasriirka arrimaha dibada Maxamed Cabdirisaaq.

shirka Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku soo aadaya iyadoo Arimaha doorashada Soomaaliya meel Xasaasi ah ay marayso Mucaaradka Dawlada Soomaaliyana ay diidan yihiin Gudiga Doorashooyinka

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com