Maraykanka oo sheegay in duqayn ay ku dileen Xubno ka Tirsan Daacishta Soomaaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in ay fuliyeen duqeyn ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya kadib markii kooxdaas ay weerartay ciidamada Soomaalida ee saaxiibka la ah, meel u dhow deegaanka Timirshe, oo 140 km u jira magaalada Boosaaso, 21-kii bishan July.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in taliska uu qiimeyey in weerarkaas lagu dilay toddoba dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale sheegeen inay qiimeeyeen inaan weerarka lagu dhaawacin ama lagu dilin dad shacab ah.

AFRICOM ayaa sheegay in markii duqeynta ay dhacaysay, ay ciidamada Mareykanka ku sugnaayeen aagga si ay talo iyo caawimaad u siiyaan ciidamada Soomaalida ee saaxiibka la ah.

Shalay ayaa deegaanka Timirshe, gaar ahaan goob lagu magacaabo Ceelka Il waxaa ka dhacay dagaal dhex maray ciidamada Difaaca Dowladda Puntland iyo kooxda Daacish, waxaana kadib xigay duqeynta ciidamada Mareykanka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com