Dawlada Federaalka oo Gaadiid ku wareejisay maamulka Galmudug+Sawiro

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka ee Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta  shan gaari oo ah nuuca Cabdi-bilaha soomaalidu u taqaan iyo agab ay ka mid yihiin matooro ku wareejisay Wasaarada Beeraha Dhirta iyo Daaqa Dowlada Galmudug .

 

Mudane saciid Xuseen ciid wasiirka Beeraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa furayaasha shanta gaari ku wareejiyay wasiirka beeraha dhirta iyo daaqa Galmudug Axmad nuur xaaji cusman oo ay wehliyeen wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Galmudug, Agaasimaha guud ee wazaaradda beeraha, agaasimaha plant protection-ka iyo agaasimayaasha waaxaha .

Gaadiidkan iyo matoorada saaran ayaa loo adeegsan doonaa dagaalka lagula jiro Anyaxa ku habsadey dhul daaqsimeedka Galmudug oo in muddo ah  la tacaalidiisu socotay .