Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay sharciga Saxaafada

Xildhibaanada  Aqalka Sare ayaa Ansixiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.Ajendaha Kulanka ayaa ahaa; Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Guddomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Waxaa laguda galay dooda ku a’adan Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareey oo ay wehliyaan howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare.

Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa Ogolaatay  23 Senatar,Waxaa diiday 3 Senatar, Waxaa ka aamusay 1 Senatar sidaas ayaa xeerka lagu Ansixiyay