Xisbiga FRP oo ka horyimid qorshe Xukuumada ku soo qaadaneyso Hooyo Daacish ku biirtay.

Xisbiga FRP oo ka mid ah xisbiyada bahwadaaga ku ah Xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg ayaa ka horyimid qorshe dowlada ku doonayso in ay ku soo qaadato hooyo ka tirsan Ururka Daacish iyo labada Carruur ah oo ay dhashay.

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga FRP Sylvi Listhaug oo la hadashay TV-ga dowlada NRK ayaa sheegtay in ay ka soo horjeedaan in la soo qaato haweeneydaas.

waxaa ay sheegtay in dagaalyahanada ka tirsan ISIS ee ka soo jeeda Norwey yihiin kuwo bulshadooda dhabarka xijiyay isla markaana ka soo horjeedo in wadanka dib loogu soo celiyo.

Hadalkaan ayaa noqonaya mid isfaham la,aan ka dhex abuuri kara Xisbiyada wada Hogaamiya dowlada.

Xisbiyada Høyre,Venstre iyo KRF ayaa dhammaan ah kuwo taageersan in hooyada iyo labadeeda carruur dib loogu soo celiyo wadanka Norwey.

Dowlada ayaa hore ugu dhawaaqday in ay soo qaadaneyso labada carruur ah baxnaanin ugu helaan Norwey balse Hooyada ayaa codsatay in ilmaheeda lala qaado isla markaana lagu maxkamadeeyo Gudaha dalka Norwey.

Xafiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com