Guddiga doorashooyinka Qaranka oo beeniyey Warar laga faafiyey

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada iyo Warbaahinta qaarkood lagu baahiyey in Guddiga doorashooyinka Qaranka ay ku dhawaaqayaan dib u dhac doorasho sababo laxiriira Cudurka Coronavirus,hayeeshee Guddiga ayaa warkaasi beeniyey.

Qoraal kooban oo Guddiga kasoo baxey ayaa waxba kama jiraan lagu tilmaamey wararkaas lagu faafiyey Baraha Bulshada sidoo kale ay qoreen Website-yada qaarkood.

”Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu Umadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in wararka ah in Guddigu ku dhawaaqi rabo dib u dhac Doorasho uu yahay war been abuur ah oo sal iyo raad aan lahayn ayaa lagu yiri” Qoraalka Guddiga.

Siyaasiyiin u badan mucaaradka Dowladda ayaa dhowr jeer waxaa ay ku cel celiyeen in marnaba aysan aqbaleyn in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya,iyada oo marmarsiiyo laga dhigayo Cudurka Coronavirus.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com