Soomaalida Norwey oo noqotay dadka ugu badan ee labadii isbuuc ee lasoo dhaafay uu ku dhacay Covid-19

 

108 qof oo Soomaali ah ayuu ku dhacay cudurka 20-kii maalin ee lasoo dhaafay gudaha wadanka Norwey sida uu qoray wargeyska Dagbladet.

Laga soo bilaabo 30-kii Marso ilaa 16 bisha April dadka qaaday ama uu ku dhacay Coronaveirus dalkaan Norwey waxa ay 37 boqolkiiba noqdeen dadka soo galootiga ah iyadoo dadka ugu badana ay noqdeen Soomaaliya.

Taasi waxa ay ka dhegantahay sidoo kale in 10-kii qof dadka uu halaalay cudurku maalmahaas uu mid ka mid ah uu yahay qof Soomaali ah sida lagu cadeeyay warbixin kasoo baxday machadka caafimaadka dadweynaha dalka Norwey (Folkehelseinstituttet).

Warbixinta wargeyska ayaa sidoo kale lagu sheegay in labadii isbuuc ee la dhaafay dadka loo diiwaan geliyay qaadista cudurkaan ay gaarayaan 1112 qof wadanka Norwey oo dhan kuwaasi oo 108 ka mid ah ay yihiin dad Soomaali.

Dowlada Norwey ayaa ku dadaaleysa in ay yareyso faafista cudurkaan iyagoo lacago malaayiin ah i qoondeysay, waxaana ay warbaahinta wadanka ka bilowday fariimo wacyo gelin ah oo kubaxaya luuqado kala duwan oo ay ka mid tahay luuqada Soomaaliga si bulshada soogalootiga ay isaga ilaaliyaan qaadista cudurka.

Soomaalida ku nool wadamada reer galbeedka ayaa cudurka si fudud uu ugu faafay iyadoo loo sababeynayo dhaqanka isku imaansho ama kulamada faraha badan ee ay sameynayaan, waxaana jiri kara Somali ka badan inta la ogyahay oo cudurka qarsanaya.

Hoos ka aqriso warka oo Norwegian.

Kraftig økning i coronasmitte blant innvandrere i Norge:

Hele 37 prosent av dem som fikk påvist coronasmitte i Norge siste uke før påske, er innvandrere. Flest er født i Somalia.

En av ti personer i Norge som fikk påviste coronasmitte i løpet av siste uke før påske, var født i Somalia, viser tall Aftenposten har hentet fra siste ukesrapport fra Folkehelseinstituttet.

Rapporten dekker perioden fra 30. mars til og med 5. april. Her står det at det i løpet av uke 14 ble meldt inn 1112 nye tilfeller av coronasmitte i hele Norge. Av disse var 108 født i Somalia.

Innvandrerandelen, altså andelen bosatte i Norge født i utlandet, er vel 15 prosent i 2020.

Regjeringen varslet tirsdag at de skal gi 10 millioner kroner til frivillige organisasjoner for å bedre informasjonen om coronaviruset til innvandrere.
(NTB)

Qore : Mohamed Abdi Nahar

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com