Taliska Booliiska iyo Howlgalka ATMIS oo ka shiray Amniga Doorashada Madaxweynaha

aliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa maanta kulan la yeeshay Taliyaha Qaybta Koowaad ee Hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Kulanka ayaa wax looga hadlay adkaynta amniga guud ee dalka gaar ahaan sugida Amniga Caasimadda Magaalada Muqdisho oo dhowaan lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay adkeynta Amniga Goobaha iyo Musharixiinta u taagan labada Guddoon ee Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Kulankan ayaana ku soo aadaya xilli maanta xarruunta baarlamaanka Soomaaliya lagu qaaday weerar loo adeegsaday Madfac, xilli uu kulan wadajir ah u socday Labada Gole ee Baarlamaanka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com