Xisbiga Sahan oo ka digay dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya

Xisbiga Curdanka ah ee Sahan Party oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Galmudug, C/Kariim Xuseen Guuleed ayaa waxa uu gaashaanka ku dhuftay Hadal-jeedintii Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka, Xaliimo Yareey ee ay ku soo bandhigtay Labo Nidaam Doorasho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Sahan Party waxay ku baaqeen in Doorashadda lagu qabto Xilligii loo qoondeeyey Dastuurka ku cad, lana oggolaan doonin Xilli-kordhin kasta, taasi oo horseedi doonta qalalaase Siyaasadeed iyo mid Amni.

Xisbiga Sahan Party waxay Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS uga digeen inay ansixiyaan Go’aamo ama Xeerar Khatar gelinaya Dowladnimadda oo ka kooban DF iyo Dowlad-gobaleedyada.