Barlamaanka Puntland o ka soo horjeestay Xeerka Mataalada gobolka Banaadir

Xildhibaanadda Golaha Wakiilladda Puntland waxay maanta ka doodeen Ansixinta Xeerkii Mataalada Gobalka Banaadir ee Aqalka Sare ee BFS, waxayna ka soo horjeesteen arrintaasi.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Puntland waxay ku baaqeen inay Puntland ka tashato Somalia, kuna dhawaaqaan waxa ay ugu yeereen Madax-bannaani.

Xildhibaanadda Barlamaanka Puntland waxay sheegeen inay Qaraar ka soo saari doonaa sida ay uga soo horjeedaan Matalaadda Gobalka Banaadir laga siiyo Aqalka Sare.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa Aragti daciifmnimo ah in Beelaha iyo Dowlad-gobaleedyada saami buuran ka helay Kuraasta Labada Aqal ee BFS inay qaab quursi xambaarsan uga biyo diidan yihiin Matalaada Gobalka Banaadir laga siiyey Aqalka Sare ee BFS.