Taliye Xijaar oo Isbedel ku Smaeeyay Saraakiisha Ciidanka Booliska Galmudug

Taliyaha ciidanka booliska  Soomaaliya Sarreeye Guuto  Cabdi Xasan Xijaar ayaa isbedel ku sameeyay Taliska  ciidanka booliska Galmudug.

Dekaraeeto ka soo baxday Taliye Xijaar ayaa taliyaha ciidanka booliska Galmudug  loogu magacaabay G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin, halka taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Galgaduud loo magacaabay Sharmaake Cabdulle Warsame.

Sidoo kale taliye Xijaar ayaa Maxamed Mire Maxamed u magacaabay Taliyaha guud ee ciidanka booliska magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna xilka qaadis ku sameeyay taliyihii hore, iyadoo taliyaha booliska Gaalkacyo laga dhigay Cali Xirsi Sahal.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa Faarax Xuseen Xasan u magacaabay taliyaha booliska magaalada Caabudwaaq, waxaana Taliye ku-xigeen looga dhigay Bilaal Xasan Cali.

Taliye Xijaar ayaa saraakiisha la magacaabay faray inay si deg deg ah xilalkooda ula wareegaan, isla markaana ay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com