Alshabaab oo war ka soo saaray Qarax khamiistii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho

Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qaraxii Khamiistii ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab oo horey u sheegtay inay qaraxaas la beegsatay saraakiil Mareykan ah, balse aan shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha, ayaa war xalay kasoo baxay ku sheegatay inay qaraxa ku dishay ugu yaraan 12 askari oo isugu jira caddaan iyo madow.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saraakiisha “ay dileen ay u shaqeynayeen shirkad lagu magacaabo Pacific Architects and Engineers oo marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano PA&E, taasi oo arrimaha difaaca iyo militariga ka caawisa,” ciidamada Mareykanka, kuwa Amisom iyo kuwa dowladda federaalka.

Al-Shabaab ayaa laba ka mid ah dhalashada askarta ku sheegtay Mareykanka iyo Ugandan, hase yeeshee ma aysansoo bandhigin  dhalashada 10-ka kale, ee ay dhimashadooda sheegatay.

Alshabaab ayaa qoraalka ay soo saareen ee ay ku sheegteen Mas’uuliyadii Qaraxii khamiistii ka dhacay Isgoyska banaadir waxaa uu u qornaa sidaan:

“Camaliyaddii istish-haadiyada ee Khamiistii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacday waxaa ku dhintay sarkaal American ah iyo mid Yugaandheys ah oo ka tirsanaa ilaalada shirkadda Pacific Architects and Engineers,” lagu yiri warka kasoo baxay xarakada Al-Shabaab.

Hase ahaatee’ Qaraxii khamiistii la soo dhaafay ka dhacay Agagaarka Isgoyska banaadir ayaa warbaahinta gudaha waxaa loo sheegay in ay ku dhinteen Dad shacab ah iyadoo uu sidoo kale haleelay Gaari Qofilan oo ay wataeen Ciidamo ka Tirsan Amisom lamana sheegin khasaaraha soo gaaray Ciidanka Amisom inkastoo gaarigii ay wateen uu halkaasi ku gubtay.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com