Boqor Buurmadoow oo soo gaaray Muqdisho

Muqisho:-Boqor cismaan Aw maxamuud Buurmadow oo kamid ahDuubabka dhaqanka dhaqanka ee Gobolka Togdheer islamarkaana saamaynta badan ku leh Somaliland ayaa maanta kasoo degay Caasimada Soomaalaya ee Muqdisho.

Waxaa Soo dhowayntiisa ka Qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka soomaaliya mahad cabdala cawad ayaa ka hadlay soo dhaweynata Magaalada muqdisho loogu sameeyay Burqo Buurmadow isaga oo u mahadceliyay shacabka ‘iyo salaadiinta gobolka gobolka banaadir ee ka qayb qaatay soo dhaweynta Boqor Muudoow.

Dhinacakale Boqor Cusmaan Buurmadow oo isna ka hadlay safarka uu maanta ku soo gaaray magaalada Muqdisho sheegay in socdaalka maanta uu ku yimid magaalada muqdisho uu daaran safaro maalmahaan ku marayay Geeska Afrika waxaana uu u mahdceliyay Dadkii maanta isaga soo dhweeynya u sameeyay .

Buur-madow ayaa u muuqda inuu ka tanaasulay Fikradkii Gooni u goosadka ee Hargeisa taalay 30-kii Sanno ee lasoo dhaafay, Wuxuuna Qayb ka noqon doonaa Xulista Ergada dooranaysa Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com