Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay toogasho ku dishay xubno ka mid ah Shabaab

Kumaandooska Danab ayaa Howlgal Qorsheysan oo ay ka Fuliyeen degaanka Leego waxay ku dileen ruux Canshuuraha Al-Shabaab u qaabilsanaa Degmada Wanla-weyn Sidda lagu sheegay war kasoo baxay taliska.

Ninka ayaa lagu Magacabaa Abuu Haashim iyo Labo kamid ah Ilaaladiisa ayaa la dilay, waxaana taliska Danab uu sheegay in xilliga la dilaayay in ay qaadaayeen Canshuur.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Warbaahinta dowladda u  sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii cabasho ay ka timid dadka shacabka ah ee wadadaasi isticmaalo.

Ciidanka oo ka jawaabaya cabashada dadka soomaaliyeed ayaa Bur-buriyey gabi ahaanba goobihii lacagaha lagu qaadi jiray sidda Taliyaha uu sheegay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo looga jawaabay Warka kasoo baxay Taliska Ciidanka Danab.