Alshabaab oo dil ku fuliyay haweeney ka tirsaneed ciidamada dowlada federaalka.

Baladweyne:-Ururka Alshabaab ayaa dil toogasho ah ku fuliyay haweeney ay sheegeen in ay ka tirsaneed ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya.

Toogashada oo ka dhacday fagaare ku yaal deegaanka shaw ee Gobolka Hiiraan.

Saraakil ka tirsan Alshabaab oo goobta toogashada ka hadlay ayaa tilmaamay in haweeneydan ka tirsaneed ciidamada dowlada ee ku sugan xerada lama-galaay ee Magaalada Baladweyne.

Haweeneyda la toogtay oo magaceeda lagu sheegay Anfac Hussein Mohamud ayaan jirin war dhab ahaan ka soo baxay Maamulka Hirshabelle oo ay kaga hadlayaan ka mid ahaanshaha ciidamada.

Dadka ku sugan deegaanada ay gacanta ku hayaan Alshabaab ayaa ah kuwo xili walba u nugul dhibaato kaga timaada dhanka kooxdaan Argagixisada ah.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com